25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xog ku cusub markabka laga cabsi qabo inuu kusoo caariyo dekadda Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali Xeebaha magaalada Muqdisho ku sugan Markab weyn oo sida shixnado Konteenar ah, iyadoo uu halis ugu jiro inuu caariyo.

Markabka ayaa ku sugan meel aan sidaa uga sii fogeyn Dekadda magaalada Muqdisho, waxa uuna noqonayaa safarkii ugu horeeyay ee uu kusoo gaaro magaalada Muqdisho.

Sababaha uu Markabka ugu soo xiran la’yahay goobta loogu tallo galay ayaa waxaa la sheegay inay tahay dayactir la’aan ka taagan halka maraakiibka kaga soo xirtaan Dekeda oo carro badan ay gunta hoose buuxiyeen.

Maareye xigeenka Dekedda Muqdisho C/raxmaan Cagaweyne, ayaa sheegay in Maraakiibta kusoo xirta Dekadda Muqdisho ay halis ugu jiraan inay quusan, waxa uuna sheegay in Mas’uuliyada dhibtaasi ay dusha saaran doonto shirkadda Turkiga ee mamusha dekedda.

C/raxmaan Cagaweyne, ayaa ku eedeeyey shirkadda Turkiga ee mamusha dekedda ineysan waxba ka qaban dhibaatada soo noqnoqata ee ka taagan goobaha ay ku xirtaan Maraakiibta.

Shirkada Albeyrak ayuu si gaara ugu eedeeyey iney qaadi doonaan Mas’uuliyada Markabka hadda uu dhibka ku heysto anbiga Dekadda.

Caagweyne waxa u sheegay inuu socdo gurmad lagu badbaadinayo hantidaas ay leeyihiin Ganacsatada Soomaliyeed.

Illaa saddex Taag oo horay dowladda Jabuuti ugu deeqday dowladda Soomaaliya ayaa isku dayaya inay markabkan u soo jiidaan dhinaca Dekeda, si Markabka xamuulka saaran looga dejiyo.

Shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga Albeyrak oo maamusha Dekeda Muqdisho ayaa lagu dhaliilay in aanay wali keenin Taagag badan oo maraakiibta ku soo xira Dekeda iyo in aanay wax dayactir ku sameyn halkii maraakiibta ku soo xiran lahaayeen.

Docda kale, Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee dowladda Soomaaliya leedahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News