Farmaajo oo Jaamacadda Carabta ka codsaday inay joojiyaan ballanqaadyada aan la fulineyn

Cummaan (Caasimada Online) –  Madaxwyenaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay qudbad xasaasi aheyd ka jeediyey shirka Ururka Jaamacadda Carabta uga furmay Wadanka Jordan kaasoo ah kulankii 28-aad oo ay yeeshaan.

Madaxweynaha ayaa jaamacadda Carabta ka codsaday inay joojiyaan ballanqaadyada ay Soomaaliya u sameeyaan oo aan la fuleyn, wuxuuna ka codsaday in dib loogu noqdo dhamman shirarkii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya wax loogu ballan qaaday si arrimahaas dhan  loo fuliyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in inta badan ballanqaadka ay dowladaha carabta ku sameeyaan Soomaaliya inaysan fulin intii ay socotay qudbadii uu ka jeediyey shirkaas u furmay madaxda Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha oo dhawr qodob ka codsaday Jaamacadda Carabta, ayaa qodobkiisa labaad ka dhigtay in din loog laabto wixii Soomaaliya loo ballan qaaday lana fuliyo wuxuuna yiri: “ Waxaan codsanayaa In dib loogu laabto qodobadii gaarka ahaa ee lagu taageerayey Soomaaliya kana mid ahaa go,aanadii lagu qaatay shirarkii hore ee Jaamacadda Carabta ee is xig xigay” .

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri: “dowladda Jamhuuriyadda Federaalka waxay rajo weyn ka qabtaa fulinta qodobadii ku qornaa go,aanadaas, waxaan shirkaan hadda socdo ku codsaneynaa in laga soo saaro go,aano ku baaqayo in kaalmo deg deg ah la gaarsiiyo Soomaaliya si looga hortago caqabadaha iyo halista aan soo sheegnay”

“ sidoo kalana waxaan codsaneynaa in la dhaqaajiyo lana fuliyo dhammaan go,aamada gaarka u ah Soomaaliya” ayuu kusoo gabagabeeyey .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com