Sawirro: Sidee ayuu u dhacay kulankii khaaska ahaa ee Farmaado iyo boqorka Jordan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo oo ka mid ahaa Hogaamiyayaasha ka qeybgashay shirka Jaamacada Carabta ee magaalada Camaan ayaa kullan Khaasa la yeeshay boqorka Jordan Amiir Cabdalla-ha Labaad.

Cabdalla-ha Labaad oo ah Boqorka Jordan ayaa soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo, isagoo balan qaaday in si dhow ay ula shaqeynayaan dowladda cusub ee Somalia.

Labada Mas’uul ayaa isla fahmay sidii loo joogteyn lahaa xiriirka saaxibtinimo ee labada dal, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday in Boqortooyada Jordan ka qeyb qaadato arrimaha gurmadka abaaraha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta uu u sameeyay Boqorka, waxaana uu xusay in Jordan iyo Soomaaliya ay yihiin labo dal oo cilaaqaad soo jireen ka dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad dheer ka jeediyay shir madaxeedka Carbeed, isagoo ka hadlay caqabadaha xilligan ka jira Dunida Carabta, iyo sida lagama maarmaan u tahay in caqabadahaas looga gudbo midnimo.