Xog: Laba qodob oo caddeyn u ah inuu Rooble hortaagan yahay dedejinta doorashada

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa 1-dii May ee sanadkan sii dhammaanaya 2021 lagu wareejiyey maamulka Doorashada, kadib qalalaasihii ka dhashay muddo kororsiga Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Inkastoo ay xaalado kala duwan soo martay Doorashada khilaafka dhalisay ee sida weyn dib ugu dhacday, laga soo bilaabo heshiiskii Septembar 2020, waxaa la ogaa inuu Farmaajo dooneynin dedejinta doorashada, laakiin waxaa muddooyinkii danbe soo baxay in Rooble uu isna ka cago jiidayo dardar gelinta doorashadii loo xilsaaray.

Maxamed Xuseen Rooble wuxuu si cad tuhunkan ugu soo baxay markii uu khilaaf siyaasadeed la galay Farmaajo, taasoo wakhti ku lumay, kadibna uu qaatay heshiis aan wax cusub soo kordhin oo kaliya uu ku helay xilal uu saaxiibadii u magacaabo, iyadoo wax horumar ah laga gaarin sababtii khilaafka oo ahayd kiiska Ikraan Tahliil.

Khilaafka dhex maray Rooble iyo Farmaajo waa qodobka koowaad ee caddeynta u ah in Rooble uu raadinayo awoodo dheeraad ah iyo xilal, intii uu xoogga saari lahaa doorashada sanadka ka badan dib u dhacsan, wuxuuna galay safarro dibadda ah oo sidoo kale ka tarjumaya dadaalkiisa ah inuu xilka iska sii joogo.

Qodobka labaad ayaa ah in Rooble uu muddo bilooyin ahba wado inuu rag ay saaxiibo yihiin u magacaabo xilal muhiim ah, sida agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Maamulka Waaxda Canshuuraha Dekadda Muqdisho (Furadda Xamar), Agaasime maamulka maaliyada ah oo ka tirsan ee Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Ra’iisal wasaaraha ku mashquulsan magacabista wasiiro ilaa agaasimeyaal waa xilgaarsiin aan sharcigu siineynin inuu isbedel weyn ku sameeyo xilalka dowladda, laakiin dowladda Farmaajo ee sanadka sii joogta xilka ayaa sharci-darradaasi caadi ka dhigtay iyadoo uu Rooble ka faa’iideysanayo.

Hore waxaa Rooble looga soo xigtay warar sheegaya in Farmaajo uu doonayo in xilliga Doorashada la gaarsiiyo ilaa April 2022, laakiin waxaa hadda muuqata in Rooble uu sidoo kale fursad u arko in Doorashadu sii daahdo si u ay ugu suuragasho inuu dano gaara ku gaaro, taasoo si cad uga hor timid Beesha Caalamka.

Isha: Goobjooge