Xog: Lacag uu lahaa gobolka Banaadir oo lagala baxay bankiga iyo wasiir fadeexad dhex jooga..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Lacag uu lahaa maamulka Gobolka Banaadir, lagala baxay bankiga dhexe ee Muqdisho, taasoo dhacday bishii hore kadib muddo uu guddoomiyaha cusub ee Gobolka Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) dadaal u galay ururinta dakhli badan.

Wasaaradda Maaliyadda oo maamusha Bankiga Dhexe isla markaana awood u leh inay la baxdo dhaqaale kasta oo Bankiga yaala ayaa la sheegay inay u baahatay lacagta, markii la arkay in maamulka cusub uu lacago badan ku xareeyay xisaabta uga furan Bankiga Dhexe.

Guddoomiye Boorsaani ayaa la sheegay inuu lacagtaas uruurin ku hayay si uu howlo dib u dhis iyo deymo lagu lahaa maamulkiisa ugu bixiyo, waxaana lacagta oo indhaha wasaaradda Maaliyadda soo jiitay ay gaartay Hal Milyan oo doolar (1,000, 000 $).

Wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti ayaa la sheegayaa inuu lacagtan qaatay.

Wasaaradda Maaliyadda ayaan la tashan, wax ogeysiin ahna siinin maamulka Gobolka Banaadir, taasoo si weyn uga careysiiyay Guddoomiyaha Gobolka, laakiin waxaa loo sheegay in dib loogu soo celin doono deyn ahaan, waxaana arrintan si hoose isula ogaa madaxweynaha iyo wasiirka maaliyadda.

Waa jugtii ugu xumeyd ee Guddoomiye Boorsaani ku dhacda intii uu xilka qabtay, wuxuuna ku guuldareystay inuu wax tallaabo ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com