Xog: Lafta-gareen oo billaabaya doorashada kadib markii la siiyey laba xil

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee lagu muransan-yahay ayaa bilaabay hirgelinta jadwalkii doorasho ee dhawaan qarka u saarna fashilka, kadib markii ay maanta xubno guddigaas kamid ah ka dageen magaalada Baydhabo.

12 xubnood oo kamid ah guddiga doorashada ee lagu muransan-yahay ayaa gaaray caasimada maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo la dejiyay xarunta Madaxtooyada maamulkaas.

Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, xubnaha guddigan ayaa Baydhabo u tagay sidii ay uga qaban lahaayeen maamulkaas doorashada Aqalka Sarre, taasi oo ka dhigaysa maamulkii u horeeyay ee lagu qabto doorashada lagu muransan-yahay.

Waxa weli uu khilaaf xoogan ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan hirgelinta heshiiskii doorasho ee 17-kii September ee sanadkii hore lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa daba socota heshiis hoose oo ay madaxda dowladda federaalka la galeen madaxweynha Koonfur Galbeed, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Lafta-Gareen ayaa qabashada doorashada Aqalka Sarre oo bilow u noqoneysa hirgelinta doorasho ay dood ka taagan tahay uu ku bedeshay labo xil oo muhiim ah.

Waxa uu dhawaan madaxda dowladda federaalka u gudbiyay labo xubnood oo uu watay kuwaas oo loo kala magacaabay xilalka Xoghayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Xiisada cakiran ee ka dhalatay hanaanka doorashada dalka ayey arrintan uga sii dari kartaa, maadama ay hore uga digeen musharaxiinta mucaaridka qabashada doorasho aan loo dhameyn.