Cadaadiska ay waddo QM oo sii kordhay iyo Swan oo la kulmay Mahdi Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka oo xiligan xiisad hor leh ka abuuray dalka iyo arrimo kale oo la xiriira kaalmada Qaramada Midoobay.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray muranka doorashooyinka iyo sidii loo gaari lahaa xal kama dambeys ah oo ay ku qanacsan yihiin dhamaan saamileyda siyaasada.

James Swan ayaa saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho ka waday kulamo gooni-gooni ah, kuwaasi oo uu la qaadanayay saamileyda siyaasada dalka.

Waxa uu mas’uuliyiintaas kala hadlayay James sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada, iyada oo uu ugu dambeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu horey kulan ula qaatay ra’iisal wasaaraha dalka, dhamaantoodna waxa uu cadaadis ku saarayay in xal kama dambeys ah laga gaaro muranka doorashada.

Doorashada soo socota ee 2021-ka ayaa waxa hareeyay muran baahsan, iyada oo ilaa hadda aysan muuqan u diyaar garow dhab ah, xili muddo kooban ay ka harsan tahay.