Maxay isku raaceen Xasan Sheekh iyo SACIID DENI?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kalena kamid ah midowga musharixiinta mucaaridka oo weli ku sugan magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha ku gadaaman, xili uu gabaabsi yahay muddo xileedka dowladda madaxweyne Farmaajo.

Labada mas’uul ayaa isku raacay inay muhiim tahay in meesha laga saaro khilaafka doorashooyinka, isla markaana la iskugu imaado shirweyne loo dhan yahay.

Waxay sida wad-jir ah usoo jeediyeen in si deg-deg ah shirweyne loo qabto, taasi oo looga arrinsanayo doorashada, si horey loogu socdo oo ay xiisada taagan ka dhalan dib u dhac.

Kulankan oo qeyb ka ah kulamo siyaasadeed oo maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, ayaa waxa looga arrinsanayey arrimaha doorashooyinka oo xiligan uu ka taagan yahay muran xoogan.

Madaxda dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka ayaa ku muransan hanaanka doorashada, taasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen beesha caalamka.

Labada dhinac ee iskaga soo horjeeda doorashada ayaa kala magacaabay guddiyo doorasho, midaasi oo god fog kusii rideysa in xal dhexe laga gaaro arrimaha doorashada, inkasta oo aan la ogeyn halka ay sal dhigan doonto.