Shirka HAWIYE oo furmay iyo Xaad oo ku dhowaaqay dhismaha maamul cusub

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirweynaha wadatashiga beelaha Hawiye ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkaan ayaa horay loo sheegay in la diiday qabsoomidiisa, balse dib u dhac hal maalin ah kadib wuxuu qabsoomay maanta, waxaana furitaanka shirka si adag dowladda dhexe ula hadlay Maxamed Xasan Xaad.

Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa sheegay in dalka ay ka jirto xaalad adag isla markaana madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu qabto doorasho uu rabo inuu ku shubto, wuxuuna ugu baaqay inuu sameeyo wixii loo sameeyay.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan ka rabnaa inuu qabto doorasho xalaal ah, waa in laga heshiiyo doorasho, xalaal noqoto, wadar la isla ogol yahayna ahaato, hadii intaas la waayo wixii ka yimaada madaxweynaha isagaa qaadaya masuuliyadda wixii ka yimaad,” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Dhanka kale Xaad wuxuu sheegay iney sameynayaan guddi soo dhisa maamul uu leeyahay gobolka Banaadir, isla markaana aysan aqbali hadda wixii ka dambeeya in cidda maamuleysa aan wareegto madaxweyne lagu magacaabin.

Nabadoonka wuxuu sheegay in shirkaan guddi maamul u dhisa Banaadir lagu dhisi doono isla markaana aysan Banaadir sidaan kusii shaqeyn karin.