DF oo dhaq-dhaqaaq ka billowday Gedo + Ujeedka

Garbahaarey (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Janaraal Maxamed Tahaliil Biixi oo socdaal ku maraya gobolka Gedo ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha ciidamada dowladda iyo shacabka degmada Doolow.

Janaraal Biixi ayaa kala hadlay saraakiisha ciidamada milatariga Soomaaliya, sidii ay u xoojin lahaayeen dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda halkaasi.

Sidoo kale wuxuu ujeedka socdaalkiisa ku sheegay dardar-gelinta howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gobolkaasi.

“Ujeedka aan u bilaabay socdaalka Gedo, la kulanka Saraakiisha, Askarta & qaybaha kala duwan ee Bulshada waa ka shaqeynta xasiloonida, dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Cadawga, qiimeynta howlgalada Ciidamada & ka xorreynta Nabad-diidka ah ee kala qob-qobay 8-da Degmo iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin Shacabka” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray shacabka gobolka Gedo, isaga oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmooyinka gobolkaasi.

“Waxaanu rajeyneynaa shacabka inuu gacan nagu siin doono sidii looga dul qaadi lahaa cadowgaas,” ayuu sii raaciyey taliyaha ciidanka Lugta Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan geysay gobolka Gedo ayaa muddooyinkii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday inta badan degmooyinka gobolkaasi, gaar ahaan deegaanada u dhow xuduuda dheer ee ay wadaagaan dalalka Soomaaliya & Kenya.