R/W Rooble oo la kulmaya musharaxiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xal u raadinayo muranka ka taagan doorashooyinka ayaa bilaabayo kulamo xal raadin ah oo uu la qaadanayo musharaxiinta.

Rooble ayaa lagu wadaa in maanta kulan gaara oo qado ah la yeesho  siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah midowga musharraxiinta ee sida weyn uga soo horjeedo hannaanka ay dowladda federaalka ku wajaheyso doorashada.

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa kulankan intiisa badan diirada lagu saarayaa tabashada ay qabaan bahda musharraxiinta mucaaradka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa kulanka dalbaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo doonayo in xal mideysan laga gaaro doorashooyinka dalka ee 2021.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey cadaadis kala kulmeysay beesha caalamka oo dalbatay in heshiis dhab ah laga gaaro doorashada.

Si kastaba musharraxiinta mucaaradka oo hadda intooda ku badan ku sugan Garoowe ayaa si weyn uga soo horjeedo guddiyada doorashooyinka dalka ee lagu dhowaaqay.