Afar ka mid ah shirkadaha Muqdisho oo galay heshiis ka dhan ah SHACABKA

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afar ka mid ah shirkadaha duulimaadka ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa ku heshiiyay iney sare u qaadaan qiimaha tikidhada ee gobolada dalka iyo duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi.

Caasimada Online ayaa heshay nuqul ka mid ah heshiiska ay gaareen afarta shirkadood oo ay ku saxiixan yahiin wakiilo ka socda shirkadahaas, waxaana muuqata in aad sare loogu qaaday qiimaha tikidka duulimaadka Muqdisho iyo Nairobi.

Shirkadaha ayaa ku heshiiyay in qofka weyn ee doonaya inuu ka safro Muqdisho una safro Nairobi uu bixinayo 260$ halka caruurta ay bixinayaan 230$, waana qiimo saa’id ah maadaama markii hore uu ahaa 140$.

Wakiilada ka socda shirkadaha ku heshiiyay qiimo kordhinta oo kala ah: Daallo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air ayaa arrimahaan kala hadlay wasiiradda gaadiidka ee dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland, waxeyna markaan doonayaan iney arintaan ka dhaadhiciyaan maareyayaasha garoomada iyo Wakiilada hay’adda Duulista Hawada.

Shirkadahan ayaa sidoo kale ku heshiiyey in ay kordhiyaan qiimaha Tikit-ka lagu raaco diyaaradaha u kala goosha gudaha dalka iyaga oo go’aamiyey in ay joojiyaan tartanka u dhexeeya ee dhinaca qiimaha iyo adeegga, sidaas awgeed waxa ay ku heshiiyeen hal diyaarad oo keli ah ay tagto maalinkii halkii ay laba ilaa saddex diyaarad geli jireen duulimaad maalinkii.

Sida ay sheegeen madax kamid ah hay’adaha duulimaadka Soomaaliya, Shirkadaha Jetways, Paf, iyo Silver Stone oo fadhigoodu yahay Kenya kana mid ah Shirkadaha ugu waaweyn ee  Soomaaliya ka Kireeya diyaaradaha ayaan illaa hadda kordhin  Qiimaha ay shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliya uga Kireeyaan diyaaradaha, hase yeeshee Daallo Air, Salaam Air, Freedom Air & Premier Air ayaa go’aansaday in ay qalaiyeeyaan Qiimaha Tikit-ka si ay u sameeyaan Faa’iido badan.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada, Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo hay’adda Duulista rayidka ayaan weli ka hadal heshiiska lagu kordhinayo Qiimaha Tikit-ka diyaaradaha iyo sida ay shirkaduhu u abuurayaan Jawi Monopoly ama tartan la’aan ah kaas oo halis ku ah ganacsiga duulimaadka Waddanka.

Qorshe kala ayaa soo ifbaxay oo ay heshiis ku noqdeen afartaan shirkadood taasoo ah iney ka maarmaan tartankii u dhaxeyn jiray ee dhanka qiimaha isla markaana maalintiiba ay baxdo hal shirkad taasna ay kaa saacidi karto iney sare u qaadaan duulimaadka gobolada dalka.

Lama oga qiimaha saxda ah oo ay sare u qaadeen tikidhada gobolada dalka, balse heshiiska ayaa ka dhigan iney ka maarmayaan tartankii dhanka qiimaha ee mar walba u dhaxeyn jiray maadaama ay ugu yaraan saddex shirkadood maalintii duulimaad wada sameyn jireen.