CC Shakuur oo beeniyay arrin uu sheegay Xundubey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa beeniyay hadal uu warbaahinta u sheegay wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale, kaas oo ahaa in la xiray ninkii bastooladda ula baxay shacab dibad-baxayey.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u warramayay idaacadda VOA-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inaan la xirin shaqsigaas, wuxuuna intaas ku daray iney jimcahii ku arkeen aagga madaxtooyada.

“Mala xirin, anagaa og, ma xirna, waxaan heynaa sawir uu jimcahii hor taagnaa madaxtooyada oo aan la wadaagnay madaxda dowladda, hadduu xiran yahay ha lagu qanciyo gabdhahii uu xabadda ku riday hana la tuso, warka wasiirka sax maahan, ma xirna hadii inta la xiro sharciga la marsiiyo waan ku qanceynaa,” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Wasiirka Amniga uu xaqiijiyay in shaqsigaas uu ka tirsan yahay ciidamada booliska, islamarkaana uu ahaa ahaa dharcad

Xundubey ayaa intaas ku daray in falkaas uu ahaa qalad dhacay, isla maalinkii ay dhacdadaas dhacdayna lasoo xiray ninka falkan ka dambeeyey, ayada oo uu hadda sugayo in la marsiiyo sharciga, sida uu hadalka u dhigay.

“Horta ogow ninka hadda aad ka warrameysaan islamarkii waa lasoo xiray, waa nin la yaqaan booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. Ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Xundubey.