Villa Somalia oo war kasoo saartay heshiiska dalalka Sucuudi Carabiya iyo Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa markale looga hadlay arrimo ku aadan xiisada dalalka Khaliijka, gaar ahaan heshiiska horudhaca ah ee ay gaareen dowladaha Sucuudiga iyo Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu horreyn boggaadisay waan-waanta iyo dadaalka joogtada ah ee ay waddo Kuweyt, ee xalka horudhaca ah looga gaaray xiisadaasi.

Sidoo kale waxa ay Villa Soomaaliya soo dhoweysay bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta boqortooyada Sucuudiga iyo dowladda Qatar.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuweyt ee ku saabsan miro-dhalka dadaallada dib u heshiisiinta Boqortooyada Sucuudiga iyo Dowladda Qatar,” ayaa lagu yiri warsaaafadeedkan.

Qoraalkan ayey sidoo kale ku sheegtay dowladda Soomaaliya inay muhiim tahay soo celinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo dad ee walaalaha ah.

Ugu dambeyn Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqday inay ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo iypo wax wadaqabsi

“Soomaaliya waxaa mar walba ka go’an xoojinta xiriir diblomsiyadeed oo ku dhisan dhexdhexaadnimo, wax wadaqabsi iyo ilaalinta xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka dan-wadaagta ah,” ayaa makale lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey go’aan dhex-dhexaadnimo ah uga qaadatay xiisada diblomaasiyaasadeed ee ka dhex aloolsan dalalka Sucuudiga iyo Qatar.