Jadwalka doorashada oo fashil ku dhow mar labaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli muran xoogan iyo is jiid-jiid uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka, iyada oo mar labaad uu fashil ku dhow yahay jadwalkii ay horey u soo saareen guddiga doorashooyinka dalka.

Maanta oo ay ku beegan tahay 5-ta bisha Janaayo sanadka 2021-ka ayaa waaa la filayey in la qabto codsiyada musharraxiinta u taagan Golaha Aqalka Sare, sida ku cad jadwalka doorashooyinka oo sidoo kale 29-kii bishii la soo dhaafay uu is-bedal ballaaran ku yimid.

Sidoo kale waxaa madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa looga dalbaday inay soo gudbiyaan liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Doorashada Aqalka Sare ayaa ugu dambeyn loo asteeyey inay dhacdo 7-14 Janaayo, balse weli uma muuqato in la qaban karo, maadaama ay ka harsan tahay labo cisho, islamarkaana aan la diiwaan-gelin musharraxiinta u taagaan xubinimada Aqalka Sare.

Dhinaca kal Villa Soomaaliya ayaa wada qorshe lagu dadajinayo qabashada doorashadan, si loo dhaqan-geliyo jadwalka ka soo baxay guddiga weli lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka, waxaana haatan gudaha magaalada Muqdisho ku sugan madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo taageersan dowladda dhexe.

Si kastaba waxaa weli halkeedii ah cabashada ay musharraxiinta mucaaradka ka muujinayaan hannaanka doorashooyinka iyo guddiyada ka shaqeynaya intaba.