Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia, kuwaa oo ka arrinsanaaya dib u dhac la sheegay in lagu sameynaayo xiliga lagu ballamay Doorashada Madaxweynaha.
Kulamada u socda xildhibaanada ayaa waxaa gadaal ka riixayaan musharaxiin u taagan qabashada xilka Madaxweynaha oo doorashada oo sii dheeraata u arka mid caqabad ku ah, maadaama kharash badan oo ku socdo.
Xildhibaanada oo ku kala qeybsan dib u dhaca Doorashada ayaa waxaa haddana Juhdi lagu bixinayaa inay u midooban ka hortaga qorshaha lagu dib dhigaayo Doorashada oo uu wado Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Go’aanka xildhibaanada ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah loogu soo bandhigo dooda uu Baarlamaanka Somalia ka yeelan doono go’aan ka gaarista mudada Doorashada Madaxweynaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa isna dhankiisa ka diyaarinaya Xildhibaano aad u faro-badan oo ra’yi ahaan ka mideysan in la dib dhigo doorashada heerka Madaxweyne ee Somalia.
Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, ayaa sidoo kale doonaya in deg deg doorashada loo qabto, hase yeeshee Jawaari ayaa aaminsan inay jiraan arrimo dhowr ah oo ay tahay in laga gudbo ka hor inta aan doorasho la qaban.
Doorashada madaxweynaha ayaa la filayaa inay gaarto illaa bartamaha ama dhammaadka bisha Febraayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]