Xog: Loolanka xilka ra’iisul wasaaraha iyo Xasan Sheekh oo hab cusub u wajahaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hoteellada waa weyn ee Muqdisho ee ay madaxda degan yihiin soo buux dhaafiyay siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahano kasoo jeeda beesha awood qeybsiga u leh xilka Ra’iisul Wasaaraha la filaayo inuu magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiintaan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa mid walba wuxuu orod ugu jiraa sidii uu xilka ra’iisul wasaare loogu magacaabi lahaa.

Xog ay heshay Caasimada Online oo laga soo xigtay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxay sheegeysa inuusan markaan diyaar u ahayn magacaabista Rai’sul Wasaare ay dad kale ama mas’uuliyiin kale soo jeediyeen sidii ra’iisul wasaareyaashii hore ee 2012-2017 uu usoo magacaabayna ay ka gedisan tahay hadda.

Waxaa xusid mudan inuu Madaxweyne Xasan sheegay inuu wadatashiyo kadib isagu kaliya soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare uu aamini karo, iska hubo inay wada-shaqeyn karaan, mowqifyada iyo aragtida siyaasadeed ay isaga dhow yihiin, lehna sifo uu ku hoggaanmin karo xukuumadda federaalka.

Siyaasiyiinta isu sharxay inay qabtaan xilka Ra’iisul wasaare badankooda waa kuwo xilka ku raadinaayo nidaamka qabaliga ah, waxaana maamulada Puntland iyo Jubaland ay ku dagaalamayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabo shaqsi ay iyaga keensadeen, taasoo hadda madaxweynaha u diyaarsaneyn inuu ku dhaqaaqo, badalkeedna uu iskiis usoo xulan doono.

Waxaa jira dhowr siyaasi oo Xasan Sheekh uu la kulmay, kuwaasi oo uu la sheekeystay, eegayna barnaamijyadooda si uu imtixaan u mariyo.

Madaxweyne Xasan oo wareysi bixiyay wuxuu kaga hadlay mudadii uu xafiiska joogay sababtii seddax Ra’iisul Wasaare uu ula soo shaqeeyay, isagoo sheegay in dhibaatada ay tahay dastuurka qabyada ah, oo awoodii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha is-dhinac socodsiiyey oo aysan kala jiirn kala sareyn, isaga oo intaa raaciyay ineysan jirin madaxweyne iyo ra’iisul wasaare shaqada isla dhameystay.