26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Ma dhabbaa in Faroole uu ka tanaasulay musharaxnimadiisa?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole lagu cadaadinaayo inuu ka tanaasulo Musharaxnimadiisa Madaxweyninimo.

Wararku waxa ay sheegayaan in C/raxmaan Faroole laga dalbaday inuu muujiyo tanaasul maadaama uu yahay mas’uul miisaan ku dhex leh Siyaasada Somalia.

Dalabka tanaasulka C/raxmaan Faroole ayaa waxaa soo jeediyay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, oo ku andacoonaya inuu ku guuleystay xubinimada Aqalka Sare ee DFS.

Sharmaarke iyo C/wali Gaas ayaa sidoo kale, C/raxmaan Faroole cudur-daar uga dhigaaya in da’da uu hadda ku jiro aysan munaasib ku aheyn inuu isu soo taago xilka Madaxweyninimo ee Somalia.

Sidoo kale, qoraalka Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ay ka qortay kulankii magaalada Garoowe ku dhexmaray Cumar C/rashiid, Faroole, C/wali Gaas iyo Juurile, ayaa waxaa lagu sheegay in C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole) uu ka tanaasulay Musharaxnimadii Madaxweynanimo.

Cumar C/rashiid iyo C/wali Gaas ayaa baqdin ka qaba in C/raxmaan Faroole uu dayaco fursada Musharaxnimo, waxa ayna taa ka doorbidayaan in Faroole uu iscasilo, sida ay xogtu tibaaxeyso.

C/raxmaan Faroole ayaa la aaminsan yahay in uu xubno taageersan ku lee yahay Xildhibaanada cusub ee Garoowe lagu doortey.

Ilaa iyo Hadda Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ma uusan xaqiijin inuu ka tanaasula Musharaxnimadiisa iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News