Xog: Maamul goboleedyada oo dib loogu celinayo liiska Aqalka Sare kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Guddiga doorashooyinka dadban ee Somalia, ayaa xaqiijiyay in Maamul Goboleedyada dalka kuwooda soo gudbiyay Liiska Xubnaha u matalaaya Aqalka Sare dib loogu celin doono liisaska ay soo gudbiyeen.

Xubnaha Guddiga ee aan la wadaagnay Xogtaani ayaa sheegay in guddiga doorashada dadban ee federaalka uu dhaliilsan yahay Liiska ay soo gudbiyeen maamulada dalka sidaa darteedna liisaskaasi ay yihiin kuwii aan loo baahneyn.

Guddiga ayaa amaanay keliya Maamulka Koofur Galbeed oo buuxiyay xubnaha Liiska loo baahnaa kadib markii ay keenen qoondadii haweenka oo gaarsiisan 5 haween ah, tiradaas oo u dhiganta ilaa 31%.

Guddiga ayaa Liisaska ay soo gudbiyeen maamul Goboleedyada ka doonaaya in qoondada haweenka ay gaarto 30%, hayeeshee maamulada badi ay ka tageen qoondada haweenka.

Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa ugu badan kuwa kasoo tagay qoondada Haweenka, waxaana la filayaa inay soo saxaan liiska si ay uga dhexmuuqdan haweenka.

Ma cadda in Hogaamiyayaasha maamulada ay aqbali doonaan dib u habeen lagu sameeyo Liiska si loo saxo qoondada Haweenka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com