DF oo Galmudug ku eedeysay ineysan waxba ka qaban arrimo taagan

Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/Qaadir Sheikh Cali Diini, oo saxaafada kula hadlay magaalada Cadaado ayaa ku eedeeyay Galmudug iney ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay hogaanka Galmudug ineysan waxba ka qaban dhibaatooyinka iyo dagaalada ka dhacay deegaanada maamulkaasi ka tirsan, taasi oo uu sheegay iney ku timid gaabis dhanka maamulka ah.

“Maamulka waxaad moodaa, sidii la rabay inuusan gacan uga geysan, hadii aan wax ka qasoodno dadka ama beelaha rabay dib u heshiisiinta in loo sameeyo laftigooda, aan wax ka taa taabano, hadaan ka soo qaadno, Gaalkacyo, Caabudwaaq iyo arimaha ka dhacaya Dhuusamareeb iyo Maamulka Ahlu Sunna”

Wasiirka wuxuu sheegay in wasaarada dhankeeda marar badan ay dadaal bixisay balse ay jiraan in gacan aysan ku siinin dadaalka wasaarada ay sameyneysay.

“Iinaysan dhicin oo Maamulka uusan gacan ka geysan, gacana uusan naga siinin, waxaan rajeynayaa oo aan ku guubaabinayaa Maamulka inay arimaha ay u xilsaaran yihiin madaxnimada iyo masuuliyada ay u hayaan Gobolka”

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay iney u midoobaan sidii loo joojin lahaa dagaalada qabiilka ku saleysan ee ka dhacay magaalooyin iyo deegaanada Galmudug.

“Guud ahaan Umadda Somaliyed wakiil uga yihiin Gobolka, waxaan rajeynayaa inay isku dayaan inay wax ka qabtaan, wixii hore oo dhacay waaba ay dhaceene kuwa kale oo dhaca.” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com