Gaalkacyo oo maanta go’aan la sugayay laga gaarayo (Warbixin)

Gaalkacyo (Caasimada online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta odayaasha dhaqanka ay qaadi doonaan go’aan dadka u wada dhegtaagayaan.

Go’aankaasi ayaa ah in la kala qaado ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ee muddooyinkii dambe ku dagaalamayay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Odayaasha iyo Waxgaradka ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa qorshahooda wuxuu yahay in ay kala qaadaan Ciidamada Labada Maamul ee isku hor fadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Nabaddoon C/wahaab Maxamuud Gureey oo ka mid ah Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay Saaka Tagayaan Goobihii lagu dagaalamay islamarkaana ay ku Rajo weyn yihiin in ay kala qaadaan Ciidamada Is hor fadhiya.

Nabaddoon C/wahaab ayaa sidoo kale ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Galmudug in ay ka qeyb qaataan Nabadeeynta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Shalay ayey aheyd markii Waxgaradka Labada Dhinac ay ku heshiiyeen Dhowr Qodob oo ay kamid yihiin Joojinta Xabada iyo in Ciidamada la kala qaado iyo in la baaro waxa keenay Dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com