Xog: Dowladda Ethiopia iyo QM oo madaxa isugu jira.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda QM ayaa mar kale Dowlada Ethiopia ka dalbatay inay u fasaxdo baaritaanka xasuuqa ka dhaca dhulka ay degto Qowmiyada Oromada.

Rupert Colville oo ah Afhayeenka Hay’adda QM ee Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in muddo dhowr jeer ah ay dowlada Ethiopia ka dalbadeen inay u fasaxdo baaritaanka si waxbadan looga ogaado dhacdooyinka foosha xun ee ka dhaca deegaanada ay u badan tahay Qowmiyada Oromada.

Rupert Colville waxa uu sheegay inay muhiim tahay in falalkaasi lagu sameeyo baaritaan madax-bannaan oo lagu ogaanayo waxa dhab ahaan sababay dhacdadii Axadii lasoo dhaafay, ee gobolka Oromada si loo hubiyo loolana xisaabtamo dhowr dhacdo oo kale oo taa la mid ah oo ay ka dhasheen khasaaro badan.

Rupert Colville waxa uu sheegay in Dowlada Ethiopia ay ka caga jiideyso in baaritaano madax-banaan lagu sameeyo xasuuqa ka dhaca deegaanadaasi waxa uuna cod dheer ku sheegay in Madaxda ugu sareysa QM looga baahan yahay inay faragaliyaan xaalada murugeysan ee ka taagan deegaanada Qowmiyada Oromada.

Dowlada Ethiopia waxa ay xanibaad kusoo rogtay Mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan Hay’adda QM kuwaasi oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa waxa ayna Dowladu is hortaag ku sameysay socdaal ay mas’uuliyiintaasi ku gaari lahaayen deegaanada ay qalalaasaha ka jiraan.

Dowladu waxa ay sheegtay inaan loo baahneyn baaritaan shisheeye waxa ayna ka digtay in shisheeyuhu ay ku mashquulaan dhacdooyinka ka taagan deegaanada Oromada.

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia ma aysan sheegin sababta ay ku diidan tahay in lagu dhaqaaqo baaritaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com