Garoonka Cadaado oo noqonaya kan ugu mashquulka badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay sii kordhayaan diyaaradaha rakaabka ah ee u socdaala magaalada Cadaado ee xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Sargaalkaani ayaa sheegay in maalin waliba Garoonka Aadan Cadde ay ka duulaan diyaarado gaaraya ilaa 7 kuwaasi oo u kictama magaalada Cadaado.

Waxa uu sheegay in dadka ugu badan ee u socdaala magaalada Cadaado ay yihiin dad isugu jira xil doon, Booqasho iyo wufuud ka kala tirsan dowlada iyo wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia.

Waxa uu sidoo kale Sargaalkaani sheegay inay jiraan diyaarado gaara oo ay kireystaan Musharaxiinta la tartameysa Xassan Sheekh kuwaasi oo aan ka faaruqin magaalada Cadaado.

”Wakhtigii hore cadaado waxaa u duuli jirtay hal diyaarad, waxaa dhici jirtay in xiliyada qaar aysan aadin diyaarado, hadda waxaa noo muuqda isbedel waayo maalinta ay ugu yartahay waxaa garoonka ka duula 5 ilaa 7 diyaaradood”

Waxa uu sheegay in xiliyada qaar ay diyaaradaha ka tagaan dhowr qof oo ay ka buuxsamatay diyaarada.

Magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug, ayaa waxaa ka socda ololaha doorashooyinka waxa ayna Saldhig u noqotay Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin xil doon ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com