25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Maamulka dekedda Kismaayo oo lagu wareejinayo shirkado shisheeye (DFS maxay ka og tahay qorshahan?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in maamulka KMG ah ee Jubba iyo dowladda Federaalka ay ka wada hadlayaan sidii dib u dhis loogu samayn lahaa dekada Kismaayo, iyada oo shirkado shisheeye oo wadamo kala duwan ah ay muujiyeen in ay danaynayaan la wareegista maamulka dekada, dib u dhiskeeda iyo dayactirkeeda.

Sida ay werisay idaacadda Dalsan ee Muqdish, oo soo xiganeysa sarkaal lagu magacaabo Cabdiqani Jaamac oo la taliye u ah Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, waxaa jira shirkado ay ka mid tahay shirkadda DP World oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai, shirkado ka jira dalka Shiinaha iyo waliba dalka Turkiga oo oo mid waliba ay doonayso in gasho heshiis ku saabsan dib u dhiska iyo maamulidda dekedda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale Afayeenka madaxweynaha Soomaaliya Injineer Yariisoow oo arrinkani ka hadlay ayaa sheegey in ay aad muhiim u tahay in shirkad shisheeye oo wax ka soo saareysa dekadda lagu wareejiyo, balse taasi horteeda lagu heshiiyo kala qeybsiga dakhliga kasoo xaroonaya dekada, si buu yiri dadka goboladda Jubbooyinka aysan u dareemin in Xamar ay qaadanayso kheeyraadkooda.

C/laahi Xadhuun oo ah Maareyaha dekadda magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in dekadda muddo 50-sano ah aanan wax dayactir ah lagu sameynin, isla markaana ay u baahan tahay wax ka badalis badan, waxyaabaha caqabadaha ah ee ka jirana waxaa ka mid ah labbo markab oo ku degay dekadda, kuwaasi oo ay tahay in meesha laga qaado, waxaa kale oo dayactir u baahan bakhaarada waa weyn ee badeecooyinka lagu keydiyo.

Dowladda Soomaaliya oo dekadda Xamar ku wareejisay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, taasi oo maamuleysa muddo 20 sanno ah, ayaa dooneysa in dekada Kismaayo ay iyaduna noqoto u dub dhexaadka dhaqaalaha dalka, si dowladda uga maaranto ku tiirsanaanta deeqaha dibada ee shuruudaha ku xiran yihiin.

Dowladdu, waxa ay qabtaa in dhaqaalahaasi si wanaagsan loo maamulo, islamarkaasina dadka si siman oo xaq ah dakhligaasi u qeybsadaan.

Sida ku xusneyd heshiiskii Addis Ababa, maamulka dekada Kismaayo waxaa lagu wareejinayaa dowladda dhexe, balse arrintaasi dib ayaa loo dhigey inta looga heshiinayo kala qeybsiga dakhliga kasoo xaroonaya dekada, taasi oo wada hadalladooda ay socdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News