Xog: Madax goboleedyada oo ku fashilmay qorshe ka dhan ah Injineer Yariisow

Muqdisho (Caasimada Online) –  Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka Dowladda federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada uga furmaya magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kadib markii uu fashilmay qorshe ka dhan ahaa.

Sida aan xogta ku helnay madax maamul goboleedyada, gaar ahaan kuwa Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo dowladda ay isku kacsan yihiin, ayaa ku gacan seeray in Yariisow uusan ka qeyb-galin shirka.

Waxa ay ku doodeen in gobolka Banaadir uusan xubin ka ahayn maamullada federaalka, sidaas darteedna uusan go’aan ku lahayn shirka.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan inta uusan Xamar ka tegin ku adkaystay ka qeyb-galka Yariisow ee shirka, haddii kale uusan isagana imaneyn.

Kheyre oo kusii sugnaa Garoowe labadii maalin ee tagay ayaa madaxda diidanaa Yariisow ku qanciyey inay aqbalaan dalabka madaxweynaha, taasi oo lagu guuleystay, waxaana Yariisow uu shalay ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha ee tagay Garoowe.

Maamullada ayaa inta aysan iman xukuumadda nabad iyo nolol marar badan gees u riixay guddoomiyayaashii hore ee gobolka Banaadir, hase yeeshee dowladda Farmaajo ayaa taas wax ka beddeshay, kana qeyb-galisay dhammaan shirarka dowladda iyo maamul goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com