Washington (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay safarkiisa Mareykanka, wuxuuna sheegay inuu la xiriiro dardar-gelinta xiriirka labada dhinac iyo aqoonsiga Somaliland.
Cabdiraxmaan Daahir ayaa shaaca ka qaaday in safarka uu ku tegay Washington uu gogol xaar u yahay safar kale oo wayn oo ay bisha May ku tagi doonaan Maraykanka.
Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in marka ay soo dhammaadaan safarradaas ay xigi doonto booqasho ballaaran oo uu Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ku tegi doono magaalada Washington, isaga oo kulamo gaar gaar ah la yeelan madaxda Mareykanka.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga ee ay haatan Somaliland ku taameyso inay ka hesho dalka Mareykanla, wuxuuna carabka ku dhufay in sugitaankii aqoonsigu uu hadda soo gabagaboobay, rajo wanaagsana oo aad u sarreysa ay qabaan
Arrinta aqoonsiga ayaa waxaa indhawaanahan si weyn u kar-karinayay saaxibo ay Somaliland ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyada oo dhowr jeer Koongareeska Maraykanka la horgeeyay sharciyo ku saabsan ictiraafka Somaliland.
Tan iyo markii uu xilka la wareegay Trump, waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Mareykanka uu aqoonsi siin doono Somaliland, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan.
Waxaa sidoo kale jirta in Mareykanka uu qorsheynayo in shacabka Falastiin ee uu doonayo in laga soo barakacayo Gaza uu geeyo Somaliland, inkastoo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa uu meesha ka saaray in Mareykan ay kala hadleen arrintaasi.
Dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna si weyn u diiday arrinta aqoonsiga, waxaa dhowaan ka hadlay safiirka u jooga magaalada Washington Daahir Carab oo sheegay in aanay hadda u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ay kireysatay shirkad Mareykan ah oo uu xusay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya.
“Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya” ayuu horay u yiri Danjire Daahir Carab.
Si kastaba, Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mareykanku uu u baahan yahay inuu si taxaddar leh u maareeyo danahiisa Geeska Afrika. Soomaaliya waxay weli tahay saaxiib istaraatiiji ah, muhiimaddeeda juqraafi-siyaasadeedna waxaa sii xoojiyay iyadoo Shiinaha iyo Ruushka ay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee gobolka.