Xog: Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay la-taliyihiisa arrimaha doorashada iyo waxa ay muujineyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa xil cusub u magacaabay siyaasi caan ah oo mar aad ugu dhawaa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Siyaasigan oo lagu magacaabo Cabdi Cali Raagge ayuu madaxweynuhu waxa uu u magacaabay la taliyihiisa arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online.

Siyaasigan ayaa weli si rasmi ah loo shaacin magacaabistiisa, ayaa haddana waxa ay banaanka keenay isbedel weyn oo ku yimid qorshihii Villa Somalia ee uu hormuudka u yahay Farmaajo.

Villa Somali ayaa la rumeysan yahay in muddooyinkii dambe ay waday qorshe ay Farmaajo ugu sameynayso muddo kordhin, waxaase magacaabistan ay muujineysaa inay u muuqato in madaxweynaha uu aqbalay doorasho dadban, sababtoo ah Cabdi Cali Raagge waxa uu horey uga soo shaqeeyay Farsamooyinka doorashooyinkii Jubbaland iyo tii Federaalka, waana aad ugu dheereeya.

Cabdi Cali Raagge ayaa la rumeysan yahay in Farmaajo uu xilkaasi ugu magacaabay sidii uu uga shaqeyn lahaa inuu dib ugu soo laabto nooc doorasho oo ka duwan midka uu hore ugu dhaganaa ee qof iyo cod.

Cali Raagge oo hore uga soo shaqeeyay Farsamooyinka doorashooyinkii federaalka iyo Jubbaland ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu qeyb ka noqdo guddiga farsamo ee dowladda federaalka ku matali doona shirka wada-tashi ee Dhuusamareeb, oo looga doodi doono nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa.

Farmaajo ayaa u muuqda mid siyaasad cusub ciyaaraya, maadama si weyn looga digay inuu sameeyo muddo kororsi sababi kara qalaalase siyaasadeed, isla markaana hoos u dhigaya sumcadiisa siyaasadeed.

Isbedelka Farmaajo ayaa la fahamsan yahay inuu qeyb ka yahay hanjaabadda beesha caalamka iyo cadaadisyada kala duwan ee ku wajahayey doorasho hal dhinac ah oo aan heshiis lagu aheyn.