Gaalkacyo (Caasimada Online) Ilo xog-ogaal oo ah ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in maanta duhurkii waqtiyo isku dhow ay ka dageen garoonka Cabdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo labo diyaarad oo ka yimid dalka Yemen kuwaasoo siday hub aad u badan.
Ilaha aan warkan aan ka soo xiganay oo aan u qarinay sababo dhinaca ammaanka, waxaa kaloo ay lee yihiin hubka laga dejiyay Gaalkayco ayaa loo wadaa maamulka Putland.
Waxa ay ka dambeesay markii dhawaan uu tagay dalka Yemen madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kaasoo dowladda Yemen ka codsaday hub si gaar ah loo siiyo maamulkiisa si loogu xoojiyo ammaanka deegannada Puntland.
Hubka ay wadeen labada diyaarad ayaa lagu raray gaadiidka waaraadka loo yaqaano, waxaana waardiyeenayay gaadidka dagaalka iyo ciidamada ammaanka Puntland, waxaa loo qaaday dhinaca waqooyiga Gaalkacyo.
Puntland ayaa la sheegay in ay u ololeeneysay siddii cuna-qabateenta hubka looga qaadi lahaa dalka Soomaaliya.
Saxaafadda goobjoog kama ahayn hubka maanta ka dagay garoonka Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in hubkan uu si gaar u lee yahay madaxweyne Faroole.
Intii hubka la dajinayay, waxaa la adkeeyay ammaanka garoonka, waxaa kaloo hakad lagaliyay duulimaadyadii caadiga ee garoonka iyadoo la mamnuucay socdka garoonka.
Hubka ayaa u badnaa qoriga AK47 iyo dabajeex iyo kuwa boobaha loo yaqaano ee garabka laga tuuro.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi