Faah-Faahin:Ciidamada dowladda oo ku dagaalamay duleedka Muqdisho

Lafoole (Caasimada Online) Inta la ogyahay afar qof oo ku jiro sarkaal ciidamada ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay galabta deeganka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay markii ciidamo ka tagay degmada Dharkeenleey ay weerar ku qaaday Isbitaal ku yaalla deeganka Siinka dheer.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan deeganka Siinka dheer oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in dagaalka uu billowday markii ciidamo ka tirsan kuwa degmada Dharkeenleey ay isku dayeen in ay lacago baad ka qaadaan Isbitaalka Al-birri oo xilligaas uu ka socday howllo dhismo ah.

Waxaa kaloo jirra ciidamo labada dhinac ka dhaawacmay sida ay lee yihiin dadka goob-joogga ah.

Ciidanka soo weeraray Isbitaalka ayaa laga dhigay wax la dilo, wax la dhaawaco iyo kuwa carara oo baxsaday.

Ma jirto cid ka hadashay dagaalka maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda deeganka Siinka dhee oo u dhow degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Caasimada@live.com