Xog: Madaxweyne Geelle oo Jabuuti isugu keenaya Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa diyaarinaya qabashada kulan dhexmara madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Shirkan ayaa waxa uu kusoo beegamaya xilli uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay ergayga u qaabilsan arrimaha Somaliland, kaasi oo ah shaqsi aysan xasaasiyad ka qabin Somaliland.

Cabdikariin Guuleed oo ah shaqsiga uu madaxweyne Xasan u magacaabay arrimaha wada-hadalada Somaliland, ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka Muuse Biixi, taasi oo wadada u xaareysa in labada dhinac ay markale iskugu imaadan miiska wada-hadalka, si loo sii ambaqaado wada-hadallada oo sanado hakad ku jiray.

Muddo laba sano ku dhaw isaga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Cabdikariin Xuseen Guuleed daadihinayay wada-hadalada Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xogaha laga helayo kulanka ayaa intaas kusii daraya in madaxweyne Muuse Biixi uu aqbalay kulanka uu Geelle iskugu keenayo Jabuuti hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland, si dib loogu billaabo wada-hadallada labada dhinac.

Dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo bilaabo wada-hadaladii Somaliland, ayada oo xusid mudan tahay in dowladdii hore ee Xasan ay meel fiican soo gaarsiisay wada-xaajoodyadii labada dhinac.

Dadaaladda dib loogu bilaabayo wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa la aaminsan yahay inay kasoo bilaabatay madal dhaqan oo Jabuuti ka dhacday, taas oo isku arkeen Xasan Sheekh, Muuse Biixi, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dhinaca kale, Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland oo ah siyaasi dhaqan ah, dhinaca kalena loo yaqaano farsamo yaqaan ku fiican wada-hadalada oo markale hormuud looga dhigay wada-hadalada midnimo doonka ah, ayaa kulamo ka billaabay magaalada Muqdisho.

Guuleed ayaa la kulmay madaxda iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland, si ay ugu biiriyaan aragtidooda ku aadan wada-hadallada looga dhigay madaxa, isaga oo ka dhawaajiyay in wada-hadalada loo wakiishay ay noqon doonaan kuwa hoos loogu daadago waxa dhabta ah ee jira, islamarkaana laga gungaaro waxa dhabta ah ee tabashadu ku saabsan tahay iyo xalkeeda.

Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

Si kastaba, Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, “si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland,” sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.