Taliye ka goostay militariga Somaliland oo ku biiray SSC iyo arrimo uu shaaciyay

Buuhoodle (Caasimada Online) – Taliyihii guutada 95-aad ee ciidanka Somaliland ee fadhigoodu ahaa Buuhoodle iyo Carowayn ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ku biirayo xooggaga SSC oo ay si weyn isku hayaan xukuumadda Somaliland.

Maxamed Deeq Muxumed Cabdi ayaa waxa uu sheegay in is-casilaadiisa ay timid kadib markii uu arkay tacadiyo uu sheegay in ciidamada uu ka tirsanaa ee Somaliland ay u geysteen bulshada gobollada uu kasoo jeedo.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu difaacayo shacabkiisa, taasi oo ka dhigan in Taliyihii hore ee guutada 95-aad ee ciidanka Somaliland uu ka barbar dagaalami doono xooggaga SSC oo Somaliland isku hayaan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

“Aniga oo aha Gaashaanle Dhexe Maxamed Deeq Muxumed Cabdi, ahna taliyaha guutada 95-aad ee ciidanka qaranka ee Carowayn, waxaan halkan ku caddaynayaa in aan iska casilay xilkii ciidanka qaranka aan u hayay, aanan la fikir ahay bulshada reer SSC,” ayuu yiri taliyaha oo warbaahinta kula hadlay gudaha Buuhoodle.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa igu kalifay in aan is-casilo waa tacadiyada ciidanka ay u geysteen bulshadeyda, waana difaacaya shacabkeyga.”

Go’aanka uu qaatay taliye Maxamed Deeq ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee deegaankiisa, iyaga oo sheegay in taliyaha uu dadkiisa u damqaday.

Isimida SSC iyo xooggaga taabacsan ayaa dhowr jeer ciidamada Somaliland ku eedeeyay inay dhibaatooyin horleh ka geysteen deegaanada SSC, hase yeeshe waxaa eedahaasi iska fogeysay xukuumadda Somaliland, oo iyadu ku andacoota in markasta ciidamadeeda weerar lagu yahay.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa socda muddo ku siman laba bil, illaa haddana majirto isku soo dhawaansho labada dhinac ah, ayada oo ay burbureen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la rabay in miiska wada-hadalka la iskugu keeno xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC, waxayna weli labada ciidan isku horfadhiyaan duleedka magaalada.