Xog: Madaxweyne QOOR QOOR oo war quus ah siiyey odayaasha beesha Ceyr

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa qiray in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkiisa ay qarka u saarantahay inay Al-Shabaab qabsadaan, maamulkiisana uusan awoodin inuu ka difaaco.

Hadalkaan Qoor Qoor waxa uu ka sheegay kulan uu la yeeshay odayaasha dhaqanka magaalada Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah odayaashii la kulmay Qoor Qoor ayaa Caasimada Online u sheegay in markii hore ay madaxweynaha ugu tageen dhexdhaxaadinta khilaaf iyaga dhexdooda ah oo salka ku haya qaabka loo qeybsanayo xubnaha golaha deegaanka magaalada Dhuusamareeb.

Si gaar ah odayaasha la kulmay Qoor Qoor ayaa ka soo jeeda beesha Ceyr, waxayna isku dayeen in kulankaas ay uga faa’iideystaan ka hadalka ammaanka faraha ka siibaxaya ee deegaanada Galmudug, gaar ahaa Dhuusamareeb oo habeen kasta deegaanada u dhaw ay Al-Shabaab yimaadaan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa odayaasha u sheegay inuu la socdo in gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ay soo buux dhaafiyeen Al-Shabaab, balse Galmudug aysan heysan ciidan lagu tasha karo oo iska dhiciya Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa odayaashii u yimid ee Dhuusamareeb ka soo jeeday u sheegay in deegaanka ay ka difaacdaan Al-Shabaab, maadaama uusan maamulkiisu laheyn ciidan difaaca.

Intaas kadib odayaasha oo ka carooday jawaabta Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa u sheegay in sanad ka hor markii uu xilka qabtay aysan Al-Shabaab Ceelbuur ka sokeyn, balse maanta aysan waxaba la aheyn inay qabsadaan Dhuusamareeb, difaacuna uu yahay mas’uuliyad saran maamulka.

Odayaasha aan la hadalnay waxay Caasimada Online u sheegeen, in markii halkaas la kala taagan yahay kulankii lagu kala dareeray, isla markaana uu ku sii batay walaaca ay ka qabaan xaaladda ammaan ee deegaanadooda.

Al-Shabaab ayaa habeenadii lasoo dhaafay isaga daba leebtay deegaanka Ceeldheere oo wax ka yar 30 KM u jira Dhuusamareeb, isla markaana uu maro laamiga dheer ee xariiriya Gurceel iyo Dhuusamareeb, iskuna mara gobollada koofureed, bartamaha iyo kuwa waqooyi ee dalka.

Habeenkii hore, oo ah habeenkii u dambeeyey ee Al-Shabaab ay gudaha u galeen Ceeldheere waxay ku sugnaayeen saacado badan, waxayna Bar-control oo ciidamo tiro yar ay ka carareen ku aaseen qarax miino, kaas oo sababay geerida laba askari oo ka tirsanaa booliska deegaanka Ceeldheere.