Guddigii loo xil-saaray eedeynta ay Soomaaliya u jeedisay KENYA oo soo saaray warbixin yaab leh

Jabuuti (Caasimada Online) – Kooxdii loo xil saaray inay baaraan eedeynta Soomaaliya ee ah in Kenya faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha ayaa warbixin ay soo saareen waxay uga jawaabeen eedeymo dhowr ah oo ay Soomaaliya u jeedisay Kenya. 

Guddigan ayaa waxaa lagu magacaabay shirkii madaxda ururka goboleedka IGAD ay 20-kii December ku yeesheen magaalada Jabuuti kadib markii dowladda Soomaaliya ay gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya. 

Guddiga ayaa sheegay inay jiraan caddeymo ku filan in diyaaradaha Kenya ay ku xad-gudbeen xuduudda Soomaaliya, ayaga oo jebinaya xeerka caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka ah ee 7-dii December 1944 lagu saxiixay magaalada Chicago.

“Dowladda federaalka waxay amartay in dhammaan diyaaradaha tegaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho. Si kastaba diyaaradaha Kenya ayaa diiday amarkaas, mana jiro fasax si gaar ah loo siiyey oo leh wax sabab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin caddeymo muujinaya in Kenya ay aqoonsatay maamulka Jubaland. 

“Ka qeyb-galka laba xildhibaan oo miisaan ku leh Kenya, Aadan barre Ducaale iyo Yuusuf Xaaji, ee caleemo-saarkii madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kama dhigna aqoonsi,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga.

Marka ay noqoto eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah in dhulka Kenya lagu hubeeyey laguna tababaray jabhad uu hoggaamniyo Cabdirashiid Janan, guddiga ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in Janan uu yahay wasiir ka tirsan maamulka Jubaland, islamarkaana ciidankiisa ay hoos tagaan ciiamada maamulkaas.

“Waxaa xusid mudan in shirkii London ee May 17, 2017, hab dhismeedka amniga Soomaaliya lagu daray ciidamada gobollada iyo booliska gobollada,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Eedeymaha Soomaaliya ayaa sababay in khilaaf diblomaasiyadeed uu dhexmaro Kenya iyo Soomaaliya, taas oo keentay in dib loogu celiyo Kenya diblomaasiyiintii ka joogay Soomaaliya, hase yeeshee guddiga ayaa diiday in labada dal ay xiriirka isku jaraan

“Guddigu wuxuu u arkaa cabashooyinka ka yimid Dowladda Soomaaliya, oo qaarkood soo jireen ahaa, inaysan u muuqan inay ku filnaan karaan in loogu cudur-daaro in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. Waa run in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u madax-bannaan tahay go’aannadeedda,”ayaa lagu yiri qayb ka mid ah warbixin ay soo saartay kooxdan.

Waxay intaas ku dareen in khilaafkaasi uu saameeyay lagana dhaxlay cawaaqib xumo ah, in 3,000 oo caruur Soomaaliyeed ah oo dhigta iskuullada Kenya, ayaga oo ka tallaabada xuduudda ay waxbarashada ka haraan.

Xubnaha guddiga ayaa waxaa ku jira Yacin Elmi Bouh, oo ah safiirka Jabuuti ee Kenya, Aden Hassan Aden, oo ah safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, General Taher Ali Mohamed, Colonel Ali Aden Houmed, Colonel Mohamed Barkad Aden, iyo Taliye Houssein Idriss Egueh, oo ka wada tirsan ciidamada Jabuuti, iyo Taliye Abebe Muluneh, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee IGAD.