Xog: Madaxweyne Deni oo kusii jeeda dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo wafdi hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in beri oo Khamiis ah uu safar ugu boxo magaalada Addis Ababa ee caasimada waddanka Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in safarkan uu qaadan doono dhowr cisho islamarkaana ay madaxweynaha ku wehlin doono xubno ka tirsan madaxtooyada oo aad ugu dhow.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan Garoowe ayaa innoo xaqiijiyay in Saciid Deni uu haatan isku diyaarinayo safarka uu ugu ambabaxayo magaalada Addis Ababa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha Puntland uu dib dhigay kormeer uu ku tegi lahaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, wuxuuna ka horreysay safarkiisa Itoobiya.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulan gaar ah la yeesho ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dalkaasi.

Itoobiya ayaa xiriir dhow la leh qaar kamid ah maamuleeyada dalka oo ay ugu horreyso Puntland, ayada oo Saciid Deni uu marar kala duwan booqasho ku tegay dalkaasi.

Safarak cusub ayaa kusoo aadayo, ayadoo uu maalin kahor booqasho ku yimid magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna ku laabtay Garoowe.