26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

XOG: Madaxweyne Waare oo damacsan is-beddel siyaasadeed oo xasaasi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa damacsan in uu isbadal ku sameeyo qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada todobaadyada soo aadan sida ay noo sheegeen Xubno katirsan HirShabelle.

Maxamed Cabdi Waare, ayaa la sheegay in uu isbadal ku sameynayo Wasiirada, Wasiir ku xigeenada iyo Wasiir-u-dowlayaasha kuwaas oo aan aheyn Xildhibaano waxaase la filayaa in isabadalkaan uusan saameen doonin Wasiirada sidoo kale Xildhibaanada ah.

Qof katirsan Xafiiska Madaxtooyada HirShabelle ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu go’aansaday in uu xilka ka qaado Wasiiro dhowr ah islamarkaana lagu badalo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka HirShabelle.

Arintaan ayaa lagu sheegay in ay sababtay culees siyaasadeed oo soo food saaray Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda khilaaf kala dhaxeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle Sheekh Cusmaan Barre.

Madaxweyne Waare, ayaa markii la doortay waxyaabihii uu balan qaaday waxaa kamid ahaa in uu soo dhiso doono Gole Wasiiro oo kooban oo aan kamid aheyn Xubnaha Baarlamaanka HirShabelle balse ma dhicin.

Wasiirada ugu badan ee maamulka HirShabelle hadda waxay sidoo kale katirsan Xubnaha Golaha Wakiilada HirShabelle waxayna noqdeen difaaca ugu adag ee Madaxweyne Waare iyadoo hadana la filayo in Wasiirada dhan laga dhigo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi.

Halkaan ka daawo Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir iyo liiska dhimashada

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News