Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinka dambe ee maanta kusii jeeda magaalada Qaahira ee xarunta Masar, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa dalkaasi, Cabdifitaax Al-Siisi.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Switzerland uu isla usii gudbi doono magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.
Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay wadahadalladooda diiradda ku saari doonaan arrimo la xiriira howlgalka ciidanka AUSSOM oo Masaarida door ka qaadanayso, heshiiskii iskaashiga amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah.
Sidoo kale waxa ay isla eegi doonaa xaaladda gobolka iyo isbeddaladii dhacay, kadib heshiiskii ay Addis Ababa ku gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Labada dhinac ayaa dhowaan gaaray is faham hoos loogu dhigayo xiisaddii Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy la galay horraantii sanadkii hore maamulka Somaliland.
Si kastaba, ujeedka ugu wayn ee dowladda Masar ayaa ah in haatan ay si toos ah ugada gasho qorshaha ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya.
Falanqeeyayaasha ayaa dhankooda sheegaya in joogitaanka militari ay Masar ku dooneyso gudaha Soomaaliya inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.
Dowladda Masar ayaa la filayaa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyso cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowday sanadkan cusub.