Xog: Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoominaya shirka golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta ka qayb-galo shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, kaas oo ah mid xasaasi ah.

Shirka oo furmi doono saacadaha soo socdo ayaa lagu wargeliyey dhammaan xubnaha golaha wasiirada ayada oo loo sheegay inuu maanta kasoo qaybgalayo madaxweyne Xasan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha uu shirka ka jeedin doono khudbad ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardargeliyo kacdoonka shacabka ee haatan ka billowday deegaanada maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Sidoo kale waxaa lafilayaa in shirka laga soo saaro go’aanno xasaasi ah oo ku aadan sida loo wajahayo xaaladaha adag ee haatan ka jira dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Golaha wasiirada ayaa todobaadyadii u dambeeyey kulamadooda diiradda ku saarayey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo warbixino laga dhageysanayey wasiirada amniga iyo gaashaandhigga.

Soomaaliya ayaa ku jirto xaalad cakiran oo dhanka ammaanka ah, siiba dagaalka Shabaab iyo xaaladdo bani’aadanimo oo ka dhashay abaaraha ka jira koonfurta & bartamaha dalka.