28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xog: Magaalada JigJiga oo laga fidiyey gogol Daarood (Isbaheysi cusub)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Mxamuud Cumar ayaa magaalada Jigjiga gogol ugu fidiyay guud ahaan beelaha Daarood, si ay ugu hadlaan mustaqbalka iyo midnimada beesha Daarood.

Durba waxaa bilowday in Isimo ka socda Maamul Goboleedka Puntland ay ku qulqulaan magaalada Jigjiga oo horay ay ugu sii sugnaayeen wafuud ka socotay Xukuumadda Faroole, waxaana dhawaan gaaray waxgarad iyo Isimo ka socda deegaanada Puntland.

Wax faah faahin rasmi ah oo shirkaasi laga haayo ayaan jirin iyo xiliga rasmiga ah uu furmayo, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in diirada lagu saari doono Midnimada Beesha Daarood, Xiriirka ka dhaxeeya, iyo arrimaha Puntland ee khilaafka Siyaasadeed ka jira sidii xal loogu heli lahaa iyo in si nabdoon doorashada Puntland u dhacdo bisha Janaayo ee soo socoto.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Waxgarad ka tirsan Beesha Daarood ee Muqdisho ku sugan iyo kuwa Gobolada Geddo aysan shirkaasi ka qeybgeli doonin, kuwaasi oo u arka shir gaashaanbuursi ah oo siyaasadeysan, waxayna xubnahaasi ay taageersan yihiin Dowladda Federaalka Somalia.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka ayaa dhawaan mar uu ka hadlayay arrimaha Jubbooyinka wuxuu sheegay in Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Maamulka Axmad Madoobe isla markaana wuxuu eedeeyay Dowladda Federaalka Somalia.

Isha: Warfaafiye.com

- Advertisement -

Read more

Local News