Xog: Dhageyso: Faroole oo lagu xiray garoonka diyaaradaha ADDIS, loona diiday saxiixa heshiiska DF & Jubba

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa shalay lagu xanibay garoonka diyaaradaha magaalada Addis-Ababa, xilli uu isku dayayey inuu ka qeyb galo xiritaankii wada-hadallada DF iyo maamulka Jubba.

Faroole oo isbaheysi la ahaa Axmed Madoobe, ayaa la sheegay inuu dhaliilsanaa qodobada heshiiska oo la gaaray maalintii talaadada ahayd, balse la saxiixay shalay oo arbaco ahayd, sidaa darteedna uu doonayey inuu ka hor taggo inta aan qallinka lagu duugin.

Sida warku sheegayo Faroole, oo kasoo tagay Nairobi, ayaa telefonka kula xiriirayey maalmahan Axmed Madoobe, oo ka dhego adeegay baaqyada Puntlanad islamarkaana doortay inuu nabadda qaato, lana heshiiyo DF.

Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay Faroole u sheegtay inuusan ka qeyb gali karin saxiixa heshiiska, islamarkaana aan xittaa loo ogolaan inuu gudaha u galo magaalada Addis-Ababa, ayada oo laga cabsi qabay inuu carqaladeeyo saxiixa heshiiska.

Go’aankan, ayaa waxaa sidoo kale ku lug lahaa wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay, oo ka cabsi qabay in Faroole uu saameyn weyn ku yeelan karo Axmed Madoobe, sidaa darteedna heshiiska uu ku bur buri karay.

Xogta ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyey afhayeenka ururada bulshada rayidka ah ee Puntland Dr Daahir Cumar, oo sheegay inuu la xiriiray xubno kasoo jeeda Puntland oo u xaqiijiyey in Faroole la xannibay.

Dr. Daahir oo aan xalay la xiriirnay ayaa sheegay in Faroole uu ku xanibnaa garoonka, hase yeeshee xog aan goor dambe helnay ayaa sheegeysa in markii dambe Faroole loo ogolaaday inuu dib ugu laabto Nairobi.

Dowladda Puntland ayaa ka niyad jabtay heshiiska, waxaana ay u aragtay in Axmed Madoobe lagaga badiyey, inkasta oo waxa laga shaqeeyey ay yihiin un danta umadda Soomaaliyeed, waxaana hadda deg deg u xumaaday xiriirkii Faroole iyo Axmed Madoobe.

Puntalnd weli kama aysan hadlin heshiiska ammaan iyo dhaliil, intaba.

Halkan ka dhageyso wareysiga Dr. Daahir Cumar

Afhayeenka-Ururada-Bulshada-Rayidka-Puntland

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com