XOG: Gen. Fartaag oo doonaya laba xil midkooda iyo Madoobe oo u deyriyey

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe, ayaa heshiiskii uu la galay dowladda Somalia kaga tanaasulay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen:- Madaxweynenimo, Jubbaland iyo ku xigeenkiisa Gen. Cabdullahi Sheikh Ismaaciil Fartaag.

Heshiiska ayaa dhigaya in hogaamiyaha Jubba uu yeelan doono saddex ku xigeen. Saddexdaas ku xigeen ayaa kala ah saddexda guddoomiye ee gobol ee gobollada maammulka uu ka kooban yahay ee Jubbasa Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Sidaa darteed maadaama uusan jirin madaxweyne, waxaa isna meesha ka baxay madaxweyne ku xigeenkii oo ahaa Fartaag.

Si kastaba Fartaag ayaa iminka qal qaalo xooggan ugu jira inuu helo guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ama Jubbada Dhexe, maadaama gobolka Gedo uu boos kaga banaaneyn.

Heshiiska waxaa ku xusan in maamulka gobolka Gedo oo uu horey u magacaabay ra’iisul wasaare Saacid uu sidiisa ahaan doono, sidaa darteedna waxaa la magacaabi doonaa guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Waxaa muuqata in Fartaag ay caqabad ku hor gudboon tahay, maadaama ninka ah guddoomiyaha gbolka Gedo ay isku beel yihiin, islamarkaana ay jiraan beelo badan oo deggan labada Jubba oo iyagana xilal doonaya.

Magacaabista labada guddoomiye ee gobol, ayaa sidoo kale lagala tashan doonaa dowladda federaalka ah sida ku dhiggan heshiiska, taasi oo ah caqabad labaad oo heysata Fartaag.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegeysa in Axmed Madoobe uu mar horeba si dadban ugu deyriyey saaxiibkiisa, una sheegay in labada xil ay hor fadhiyaan beelo tiro badan.

Waxaa muuqa in Fartaag uu meel cidlo ah kusoo dhicay, waa tii horey loo yiri Siyaasaddu ma lahan saaxiib joogto ah ee waxay leeddahay dan jooto ah.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@livecom