Magaca marxuumkii ka soo dhacay diyaaraddii Daalo iyo xog ku saabsan oo la helay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan wali la baahin ayaa lagu sheegay in ninkii ku Naf waayey qaraxii ka dhacay Gudaha Diyaarada Daalo ee Maydkiisa laga soo helay Deegaanka Balcad inuu ahaa Allaha u naxariistee Marxuum Cabdisalaan Cabdullaahi Boodhle wuxuuna ahaa 60 jir. Baasboorka ninkaasi sitayna wuxuu ahaa soomaali.

Marxuumka ayaa la sheegayaa inuu Muqdisho u yimid inuu la kulmo wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaan Hadliye Cumar oo marxuumkan ahaa abtigii.

weli lama oga sababta keentay in shirkadda Daalo iyo Dowladda Federaalka aanay ka hadal in marxuum Cabdisalaan uu ka mid ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradda.

Waxaa Caasimada Online loo sheegay in saakay aay magaalada Muqdisho soo gaareen qabiirro baaraya shilka diyaaradda, kuwaasoo la sheegay in aay yihiin kuwo u dhashay Faransiis iyo Mareykan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com