25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog: Magacyada 4 siyaasi oo loolanka xilka ra’iisul wasaaraha isku garbinaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ku dhow dhow xafiiska madaxtooyada ee Soomaaliya oo soo baxay saacadihii ugu danbeyey ayaa xaqiijinayaa in si xoog leh looga hadal hayo halkaasi murashaxiin dhowr ah, oo la rumeysan yahay in midookd uu ka iman doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia.

Waxaa xubnaha illaa iyo hadda cad cad ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex, oo xilal dhowr ah kasoo qabtay dowlidihii KMG ah ee dalka Somalia.

Waxaa sidoo kale ka mid ah wasiirkii hore ee maaliyadda ee xukuumaddii Farmaajo Xuseen Cabdi Xalane, oo la sheegay inuu maalmahan aad ugu dhowaa madaxtooyada Somalia.

Goonjeex, ayaa lagu warramay inuu taageero ku helayo xubno ka mid ah kooxda Damul Jadiid ee madaxweynaha, taasi oo siineysa faa’iido gaar ah.

Tartanka, ayaa waxaa sidoo kale si lama filaan ah ugu soo biiray siyaasi lagu magacaabo Aadan Guuleed Shabeel Carab, kaasoo si deg deg ah uga hormarey murashixiintii kale oo horey warkoodu usoo baxayey, sida Xuseen Cabdi Xalane.

Murashaxan Aadan Guuleed Shabeel ayaa ah aqoonyahan bartay Culuumta Siyasadda, dhaqaalaha, maamulka iyo Istiraatiijiyadda, isagoo wax ku bartay dalalka Soomaaliya, Faransiiska, Jarmalka iyo Sudan.

Intii ay dalka ka talinaysay xukuumaddi dhexe ee bur burtay wuxuu murashaxu kasoo shaqeyey meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Wasaaradii arimaga gudaha oo uu ka ahaa sargaal sare, Xisbigii hantiwadaga, Jaamacaddii umadda iyo Akaadeemiyadii Istiraatiijiyada Qaranka oo uu labadaba ka soo noqdey macalin ka dhiga culuumta siyaasadda.

Wixii warar ah ee kusoo kordha ha ka dheeraan Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Muqdiho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News