Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho kusii kordhaaya weerarada is xigxiga ee lagu qaadayo Xarumaha Dowlada iyo Hoteelada kuwooda ugu mashquulka badan.
Weeraradaani sii xoogeysanaaya ayay Dowlada Somalia u aragtaa mashruuc loo maro helida dhaqaale, waxaana tani calaamad u ah qaababka kala duwan oo weeraradaasi ay u dhacaan.
Hubka ay maleeshiyaadka ku weeraraan xarumahaasi ayaa badi ah kuwa Dowlada Federaalka looga furtay dagaalada.
Weerarada qaar ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa u muuqaal eg kuwo ay DFS wax ka ogtahay, waxa ayna weeraradaasi inta badan dhacaan xiliyada ay magaalada Muqdisho u diyaar garoobeyso marti soorka Madaxda Dowladaha Somalia xiriirka la leh.
Dowlada Somalia ayaa aaminsan in caalamka aysan dhaqaale ka heleynin waa haddii amniga magaalada Muqdisho noqdo mid degan oo leysku haleyn karo.
Dowlada Somalia ayaa dhaqaalaha ugu badan ay ka hesho Caalamka kusoo gala qaab tabarucaad ah iyadoo dhaqaalahaasi loo siiyo sugida amniga magaalada Muqdisho iyo ciribtirka cadowga.
Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ayaa iyaguna shaqo ka dhigtay damaashaad, Safaro iyo inay ku tamashleeyaan Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, Fashilka ugu weyn ee DFS ka heysta dhanka sugida amniga ayaa ah in Taliyayaasha Hay’adaha amaanka ay xilalka ku koobaan qoysaskooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

