Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen dilka Cabdixamiid Sheekh Cabdiqaadir oo ah nin la dhashay Xildhibaan Farax Sheekh C/qaadir kadib markii ay rasaas ku fureen.
Ehelka ninkan ayaa sheegay in rasaas ay ku fureen ciidamada dowlada isagoo maraya meel u dhow Hotel-ka Ambassador ee magaalada Muqdisho xiligii salaadii maqrinb kadib.
Hotelka oo weerar iyo qaraxyo ay ka socdeen waqtigaas Ayaan la xaqiijiyey inuusan ku sugneyn Cabdixamiid Sheekh Cabdulqaadir, balse ay haleeshay rasaasta ciidamada dowladda.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ballan qaaday baaritaan lagu sameyn doono arrintan, inkasta oo ay u badan tahay in rasaasta ay qeyb ka ahayd dagaalka ka socday goobta, oo aysan ahayn ku talo-gal.
Falkan ayaa ka mid noqonaya falal ciidamada dowlada ku lug yeesheen oo lagu dilay mas’uuliyiin iyo shacab oo inta badan si lama filaana uga dhaca magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]


