25.1 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Magacyada xildhibaannada iyo xubnaha ku dhintay weerarka..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne oo hore loo xaqiijiyay inuu ku dhintay Hotelka waxaa haddana la xaqiijiyay in Xildhibaan  Maxamud Maxamed Guure isna ku dhintay Hotelka kadib rasaas ku dhacday.

Labada xildhibaan ee weerarkan ku dhintay ayaa ahaa laba xildhibaan oo miisaam culus leh, isla markaa si weyn uga dhex  muuqday Baarlamaanka Soomaliya, waxayna arrintan murugo weyn ku tahay dadka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka baxeen.

Khasaaraha ayaa sii kordhaya, waxaana weerarka hotelka uu noqday kii ugu badnaa oo xildhibaano ka tirsan baarlamanaka lagu dilo kadib weerarkii Hotelka Muna xiligii dowladii hore ee Kumeelgaarka ahayd.

Dadka dhintay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Cabdixamiid Sheekh Cabdulqaadir oo la dhashay xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Cabdixamiid oo ku sugnaa banaanka hoteelka ayaa waxaa ku dhacay rasaastii laga ridayey gudaha hotelka.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dhowr xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay xildhibaan Cabdi Xaashi.

Waxaa la soo badbaadiyey illaa shan xildhibaan oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Xirsi Ducaale, Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Xildhibaan Maxamed Cumar Maclow, Xildhibaan C/llaaji Dayib iyo ma’suuliyiin kale oo degenaa hotelkaas.

pp

pp,
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News