Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Khamiistii qorshaha ugu jirtay xukuumadda inay dib u soo magacowdo Mahad Maxamed Salaad oo mar kale loo dhibayo Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, waxaana ku yimid dib u dhac aan la shaacin, balse Caasimada Online ayaa heshay xogo arrintaas ku saabsan oo ilo wareedyo kala duwan ay la wadaageen.
Magacaabista Mahad Salaad waxaa qorshaha kula jirtay in lasoo kordhiyo wasaarado cusub, lana magacaabo wasiirro cusub.
Wasaaradaha lasoo kordhinayo waxaa kamid ah wasaaraddii horay loo burburiyey ee Gargaarka iyo Mareynta Musiibooyinka, taas oo loo bedalay Hay’ad, balse mar kale ayaa dib loo dhisayaa, sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo xog ogaal ah.
Sidoo kale, Wasiirro uu ku jiro taliyaha hadda hoggaamiya NISA, Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa lasoo magacaabayaa, waxaana ka jira culeys dhanka isku shaandheynta ah, taasi oo sababtay in magacaabistii Khamiistii dib loo dhigo.
Arrinta kale ee muhiimka ka dhigtay in dib loo dhigo magacaabista xubno uu ku jiro Mahad Salaad ayaa aheyd khudbadii Madaxweynaha, taasi oo lagu fekeray in bulshada aan laga mashquulin.
Madaxweynaha oo shalay dhalinyarada kala qeyb galay maalintooda 15-ka May ayaa jeediyey khudbad xasaasi ah oo arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka uu uga hadlay, waxaa la sheegayaa in xukuumadda ay ku fekertay in bulshada aan laga mashquulin hadalka Madaxweynaha.
Khudbadii Xasan Sheekh waxaa muhiim ka dhigeysay in seddax sano ay u buuxsantay markii dib loo soo doortay 15-kii May 2022, wuxuuna jeediyey khudbad dulucdeedu aheyd difaaca siyaasadda uu ku sii hoggaaminayo dalka mudada uga hartay xil-heyntiisa.
Caasimada Online waxay ogaatay in xitaa shalay la diyaariyey sawirka lagu muujiyo magacaabista masuulka (Poster), kaas oo loo sameeyey xubno uu ugu horeeyo Mahad Salaad, balse dib ayaa loo dhigay, waxaana lagu balamay waqti kale.
Maalinta Isniinta ah ayey ilo wareedyada noo waramay noo sheegeen in golaha wasiirrada ay dib igu soo laabanayaan si loo ansixiyo magacaabista masuuliyiinta cusub.
Wasaaradaha Maaliyadda, Madaxtooyada, NISA iyo hay’ado kale ayaa la sheegay in isbedelka cusub uu saameyn doono, kaas oo hir-gelintiisa lagu balamay Isniinta.