Xog: Maxaa ka jira in Cabdi Kariim Qalbi Dhagax laga wareejinayo NAIROBI?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno illo wareedyo ka tirsan ururka ONLF ayaa sheegaya inuu socdo qorsho Sarkaalka Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax), looga wareejinaayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qalbi-Dhagax, oo ku nool magaalada Nairobi ayaa sababo amni uga howlgali doona dalka Eriterea oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Ururka, isla markaana ku leh Xafiisyo waaweyn.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Qalbi-Dhagax uu ku biiri doono Saraakiisha ONLF ee ka howlgasha magaalada Asmara ee xarunta dalka Eriterea.

Qalbi-Dhagax, ayaa waxaa la sheegay in magaalad Asmara uu ugu wareegi doono dalab kaga imaaday Saraakiisha kale ee halkaa ku sugan.

Mid kamid ah Saraakiisha ayaa inoo xaqiijiyay in Qalbi-Dhagax amni ahaan ay u wanaagsan tahay inuu kusii nagaado magaalada Asmara, inta laga helaayo isbedelo guulo usoo hoyinkara Ururka.

Waxa uu Sarkaalkasi sheegay in Qalbi-Dhagax xiligaani uu miisaan ku dhex leeyahay Ururka sidaa aawgeed ay ahmiyad gaara u leedahay inay ka warqabaan xaaladiisa amni.

Waxa uu intaa raaciyay in Saraakiisha Nairobi iyo kuwa Asmara ay isku mid yihiin isla markaana Sarkaal waliba uu xaq u leeyahay inuu la shaqeynkaro kuwa kale.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Ethiopia ay la tashiyo la sameyneyso madaxda Ururka, waxaana suuragal ah in xubno muhiima ay ONLF ka helaan maamulka cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com