Hanti boobki ka dhacay Jig Jiga oo xal cajiib loo helay

Jigjiga (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan magaalada Jigjiga iyo deegaano ku xeeran ay ka dhacday boob hantiyadeed ayaa waxaa iminka soo baxaaya in deegaanada maamulka DDSI laga bilaabay dib u celinta hantida shacabka.

Ololaha dib u celinta hantida shacabka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday guud ahaan magaalooyinkii qalalaasuhu ka dhacay 4 bishan August iyo maalmihii ka dambeeyey.

Sida ay soo warinayaan dadka deegaan waxa ay dib u celinta ugu xoogan iminka ka soctaa magaalada Godey, waxaana hantidooda loo celinayaa dadkii deganaa ee aan Soomaalida ahayn oo boobka ugu badan loo geystay ganacsigooda.

Boobka ayaa ahaa mid ay geesten dhalinyaro mudaharaadayey oo sida la sheegay ka caraysan xiisaddii ka aloosantay magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Shariif Cabdifataax Shariif Cumar oo ka tirsan gudiga arintaa isku xil qaantay ayaa sheegay in ujeedadoodu ahayd xasilinta degaanka iyo in aanay abuurmin colaad dhex marta qoomiyadaha Ethiopia.

Shariif Cabdifataax oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay ku guulaysteen in ay ilaa haatan boqolkiiba 80% u soo celiyaan dadkii la dhacay hantidii ka maqnayd. Waxaanu ugu baaqay shacabka degaankaas Soomaalida Ethiopia ku dhaqan in ay ilaaliyaan nabad gelyada oo ay ku daydaan tallaabada ay qaadeen dadka reer Godey.

Waxa ay wararku intaa ku darayaan in ay duulimaadyadii diyaaradaha ee u kala socdaali jiray Jigjiga iyo Addis Ababa ay iyaguna dib u bilaabmeen.

Talaabadaani ayaamuujineysa inay tahay mid lagu doonaayo ka hortaga colaado intaa kasii xoogan oo dhexmara Soomaalida iyo Oromada.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasaimada@live.com