IRAN oo si aan la fileynin uga hadashay go’aanka TURKIGA ee baadariyaasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Iran ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Turkiga ay ku garab istaageyso baacsiga ay ku heyso dowlada Mareykanka ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Trump.

Iran ayaa sheegtay in ay taageero kasta ay la garab taagnaan doonto dowlada turkiga,xilli uu sii xoogeysanayo qilaafka u dhaxeya mareykanka iyo turkiga.

Iran waxa ay sheegtay isbahesi dhexmaraa Iran iyo Turkiga ay caqabad u horseedi doonto Mareykanka waxa ayna ka digeen inay kusii dhiirtan faragalinta Turkiga.

Wasiiraka Arimaha dibeda iran Bahram Qassemi oo magaalada Dahran kula hadlaayay saxaafada ayaa sheegay in Iran ay aad usoo dhaweyneyso maxkamadeynta ay Turkiga ku heyso baadariyaal.

Bahram Qassemi, waxaa uu dhaleeceyay mowqifka mareykanka waxaana uu sheegay in cunaqabateynta mareykanka ee ka dhan ah turkiga aysan wax tari doonin.

“Haddii uu Trump kusii adkeysto faragalinta Turkiga waxaanu qaadi doonaa talaabo waliba oo dowlada Turkiga ay ku quusi doonto Mareykanka”

Mr Bahram ayaa dhankale tilmaamay in uu ku rajo weyn yahay in dowlada iyo shacabka turkiga ay maareyn doonan cadaadis walba oo kaga yimaada xuduudaha iyo dibada oo ku aadan xaaladan.

Mr Bahram, isaga oo sii wata ayaa waxaa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay doonayaan in ay awood wax ku maquuniyaan balse aysan awoodin.

Mareykanka ayaa maalin ka hor waxaa uu canshuur siyaado ah saaray biraha kaga yimaada Turkiga,waxaana madaxweyne Trump uu sheegay in waqtigan uusan wanaagsaneyn xiriirka labada dal.

Geesta kale, Madaxweyne Erdogan oo isna ka hadlay arintaan ayaa waxaa uu sheegay maalintii shalay in uu halis ku jiro xiriirka wada shaqeyn ee u uu dalkiisa la leeyahay mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com