Sacuudiga oo sharaxaad ka bixisay sababta ay usoo celisay xoolaha Soomaaliya

Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sucuudiga ayaa war kasoo saartay dhawaan xoolo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Sucuudiga.

Wasaraadda deegaanka, dhirta iyo biyaha ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in baaritaanno ay sameeyeen looga helay arigan, xanuunka xoolaha ku dhaca ee (Rif Valley Fever RVF) lagu magacaabo.

Xoolihii Sucuudiga laga soo celiyay ayaa tiradoodu waxa ay dhameed 27,000 oo neef, waxaana la keenay dekadda Boosaaso ee Puntland.

Xoolaha Soomaaliya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee Sacuudiga lagu gowraco Ciidil Adxaha waxayna xujeYda Caalamka ku heli jireen qiimo raqiis ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa markii hore isticmaali jirtay qorsho ah in Xoolaha Soomaaliya aan Sacuudiga la keenin isla markaasna la sheego inay yihiin kuwa jiran balse waxay fasixi jirtay Bisha Dulxajji maadaama xujey badan ay halkaas tagayaan isla markaasna xoolo badan la gowracay, Xoolaha Soomaaliya ayaana ahaa kuwa kaliya ee lagu dabooli jiray baahida Xujeyda.

Sanadkaan, Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay soo celiyey xoolihii loogu talagalay xujeyda ee sanad kasta halkaas la geyn jirtay waxaana soo baxayo warar sheegayo in dowlado kale ay Sacuudiga ka dajiyeen xoolo badan taasna ay keentay in laga maarmo kuwa Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa cuna qabateyn xoog leh ku heyso ganacsiga Xoolaha Soomaaliyeed waxayna taas badalkeeda jaanis siisaa dowladoo waaweyn oo aan tayo ahaan gaari karin xoolaha Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Sacuudiga

Caasimada Online
Xafiiska Makka Al-Mukarama
Caasimada@live.com